Xulka K/cagta ee dalka DRC oo lagu abaalmariyey gawaari Casri ah.

Madaxweynaha dalka Koongada Dimuqraadiga (DRC), Joseph Laurent Kabila waxa uu Ciyaaryahan kasta oo ka mid ah Xulka K/cagta ee Qarankiisa gudoonsiiyey gaari cusub oo midkiiba qiimihiisu dhan yahay 60,000 oo Dollars.

Madaxweyne Kabiila waxa uu gaadiidkaasi u qeybiyey 23 Ciyaartoy iyo 7 Saraakiisha Kooxda, kadib, markii ay ku guuleysteen Koobka Qaramadda Afrika “The African Nations Championship (Chan)” oo lagu qabtay caasimadda dalka Rwanda ee Kigali.

Xulka dalka Kongadda Dimuqraadiga waxay 3-0 kaga guuleysteen Xulka Qaranka ee dalka Mali oo ay isugu soo hareen Ciyaartii Finalka ahayd.

Ciyaartoyda iyo Madaxda Xulka Qaranka ee dalka Kongadda Dimuqraadiga (DRC), waxaa Abaalmarin isugu jirtay Bilado iyo Gaadiid Casri ahi lagu guddoonsiiyey Qasriga Madaxtooyadda oo ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Kinshasa.

Tababaraha Xulka K/cagta ree dalkaasi, Florent Ibenge ayaa ka mahadceliyey Abaalmarintaas iyo soo-dhaweynta uu u sameeyey Madaxweyne Kabiila.

DRC 1

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor