XSKK oo muqdisho ku qabtay ciyaar lagu bixinayay Abaalmarinadi koobka Jen.Daa’uud Wiilasha iyo gabadhaha+ Sawirro.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada kolayga ayaa maanta muqdisho ku qatbay ciyaar lagu bixinayay abaalmarinadii koobka Jenaraal Daa’uud . ciyaartan ooahayd mid Saaxibtinimo ayaa dhex maftay kooxda Muqdisho City oo diyaargarow ugu jirta ciyaaraha magaalooyinka Afrika Inter City, iyo xiddgiga laga soo xulay kooxaha ka qayb galayay koobka Jen.Daa’uud.
Daawashada ciyartan waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socotay Wasaarada dhalinayarda iyo isboortiga , Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Madaxda Xiriirada dalka, Maamulka gobolka Banaadir siyaasada iyo isboortiga,
Ugu horayn halkaas ka hadlay kaaliyaha Xoghayaha XSKK Cabdi Cabdulle Baasaale oo ka warbixiyay macluumadka tartanka isagoo sheegay in tartankan uu xagga anshaxa aad uga wanaasganaa tartanada ka horeeyay.
Guddoomiyaha XSKK Cabdullahi Nuur Maxamed Cadaani oo isna ka hadlay ayaa sheegay in sanadkan uu ahaa sanad taariikhi ah oo 24 sano kadib xiriirkuusu ku dhiiraday in xili habeen ah uu ciyaaraha kubadad kolayga qabto, waxuuna mahad helin u soo jeediyay kooxaha kubadda kolayga aqbalay in tartankan xili habeen ah ciyaaraan iyo maamulka degmada Cabdicasii oo gacan wayn ka gaystay tartankan.
SIdoo kale waxa halkas ka hadlay Guddoomiye Ku xigeenka Arimaha Bulshada gobolka Banaadir Iimaan Nuur Iikar waxuuna amaan u soo jeediyay XSKK , oo ku sifeeyay in ay qabteen arin sare u qaadaysa is dhex galka bulshada Gobolka isla markaana ay tartankan gobolka uga soo baxeen ciyaartoy Magaalada Muqdisho matali doonta ciyaaraha magaalooyinka Afrika.
Ugu dambayn waxaa halkaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Dhalinyarda iyo isboortiga Daahir Axmed Climi , waxuuna sheegay in wasaaradiisu soo dhawaynayso talaabada horumarka leh uu xiriirka kubadad kolayga ku talaabsaday waxuuna kula dardaarmay in ay halkooda kasii wadan wasaaraduna ay gacan ka gaysan doonto .
Ciyaartii iu dhaxaysay kooxda Muqdisho city iyo Xiddigaha ayaa ku soo gebogebowday 61-58 oo ay guusha ku raacday kooxda Muqdisho city, Waxaana shahaado sharaf gaar ah la gudoonsiiyay Xaaji Maxamed Axmed Colow oo ah garsoorihii ugu horeeyay ee Heer Caalami kubadda kolayga uu dalkeena Yeesho waxuuna xiriirka ku abaalmariyay kadib markii uu qayb wayn ka qaatay horumarinat kubadda kolayga gaar ahaan tartanka koobka Jen,Daa’uud ee dhawaan soo idlaaday.

Halkan ka aqrsio Abaalmarinada iyo Shahaado sharafka xiriirka bixiyay.
Koobka Kaalinta 1-aad Wiilasha Kooxda I.L.S
Koobka Kaalinta 2-aad Wiilasha Heegan
Koobka Kaalinta k 1-aad Gabdhaha Horseed
Koobka Kaalinta 2-aad gabdhaha Heegan
Ciyaarayahanki ugu wanaagsan Cali Maxamed Aadan ( Bariiwiini ) Kooxda Heegan
Gool Dhalinta Cabdirasaaq Axmed Dable Mandella ( Dekedda) 70 Jeesto = 140 dhibic
Ciyaarayahanki ugu Asluubta wanaagsanaa Axmed Daahir ( Dekedda)
Tartanka Three Pointiga Cabdifitaax Maxamed Mocow Buukaale ( Heegan)
Garsoorihii ugu Wanaagsanaa Zakariye Macalin Nuur

  Warbaahinada  Radio Dalsan     Goob joog  iyo SNTV     oo qayb ka qaatay tabinta tartankaas ayaa iyaguna la gudoonsiiyey Shahaadooyin.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Email: [email protected]

1 2 DSC09523 DSC09720 DSC09763 DSC09769 IMG_0840 IMG_0841 IMG_0849 IMG_0850 IMG_0852 IMG_0891 IMG_0904 IMG_0930 IMG_0935 IMG_0946 IMG_0963 IMG_0987 IMG_1002 IMG_1003 IMG_1028 IMG_1041 IMG_1063 IMG_1087 IMG_1093 IMG_1109 IMG_1119

 


IMG_6309 IMG_6311

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor