Xog: Magacyada 11- Shaqsi ee Fadeexada FiFa ku lug leh + SAWIRRO

Iyadoo fadeexadii ugu sareysay sanado badan kadib ay soo gaartay xiriirka Kubadda Cagta aduunka ee FIfa,markii ilaa 7 ruux oo FIFA katirsan loo xirey Musuq maasuq iyo Laaluush qaadasho ayaa waxaa xiriirka FIFA isagoo ka duulaya arimahaasi waxaa ay shaaciyeen iney dhaq dhaqaaqa Sportiga gebi ahaan ka joojiyeen ilaa 11-ruux oo guddiga katirsanaa.

Go’aanka ganaaxa 11-ka ruux ayaa la sheegay inuu ka danbeeyay soo jeedin mas’uul katirsan Guddiga Anshaxa oo layiraahdo Dr Cornel Borbély,kaasi oo  adeegsanaya Sharciyada art. 83 par.1 ee Fifa Code of Ethics.

11-ka Ruux ee la ganaaxay oo ay kujiraan qaar ragga xiran ayaa waxay Magacyadooda kala yihiin: Jeffrey Webb, Eduardo Li, Julio Rocha, Costas Takkas, Jack Warner, Eugenio Figueredo, Rafael Esquivel, Jose Maria Marin, Nicolas Leoz, Chuck Blazer iyo Daryll Warner.

Afhayeenka Fifa Walter Degregorio ayaa sheegay in Madaxweynaha Fifa Sepp Blatter aanu ku lug lahayn fadeexadan.

Waaxda cadaadalada ee dalka Maraykanka ayaa iyaduna sheegtay in ay dacwad ku soo oogtay saraakil sare oo ka tirsan xiriirka kubadda cagta ee dunida ee FIFA, waxaana lagu eedeynayaa laalush qaadasho iyo wax isbadamarin.

Inlkastoo xiriirka UEFA ay codsadeen in la baajiyo doorashada Jimcaha ayaa dhinaca kale Afhayeenka FIFA, Gregorio waxa uu xaqiijiyay in sidii loo qorsheeyay ay u dhici doonaan koobabka adduunka ee 2018 iyo 2022 kuwaas oo lagu kala qaban doono Qadar iyo Ruushka.

Xiriirka kubadda cagta ee FIFA waxa ay sheegeen in ay la shaqaynayaan xukuumadda Switzerland, ayna soo dhawaynayaan wax kasta oo xididada loogu saarayo khaladaadka ka dhexjira ciyaaraha.

 

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor