Xiddigaha kooxda Chelsea oo la kala qaadanayo maadaama aysan ka qeybgaleyn Champions league xagaaga dambe

Paris Saint-Germain  ayaa dalab u dirtay labo xiddig oo ka tirsan kooxda Chelsea maadaama kooxda England xagaaga dambe ay seegeyso Champions league,sidaas waxaa qortay Sunday Express.

Blues ayaa xagaaga dambe ka qeybgaleyn Champions league kadib xagaagan  oo bandhig aan fiicneyn ay ka sameeyeen horyaalkooda.

Laurent Blanc’ kooxdiisa ayaa ka faa’ideysaneysa carada xiddigaha Chelsea ee aan kasoo qeybgaleyn koobka Yurub sidaa daraadeed waa ay ka faa’ideysanayaan baahidooda.

Labada xiddig ee PSG ay dooneyso waxaa kamid ah Eden Hazard iyo goolhaye Thiabaut Courtois.

PSG kuma qanacsana bandhiga goolhayaheeda Kevin Trapp sidaa daraadeed Parc des Princes waxaa ay damacsan yihiin iney keenaan xiddigii hore Atletico Madrid.