Tartankan kubadda Kolayga 3×3 Oo Maanta Muqdisho Ka Furmay+Sawirro

Tartanka kubadda Kolayga 3×3 oo  maanta marki ugu horeysay ka furmay garoonka Wiish ee Magaalada Muqdisho, Munaasabda furitaanka waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka soctay wasaaraddda dhalinyarada iyo isboortiga Guddiga olombikada Soomaaliyeed, Madaxda  Shirkada StarSom oo tartankan  maal gelinaysa iyo  msauuliyiin XSKK ah.

Ugu  horeyn waxaa halkaas ka hadlay Kusimaha Xoghayaha XSKK Cabdi cabdulle Baasaale waxuuna sheegay in tartankan uu yahay bilow isla markana ay ka qayb gali doonaan 8 koox oo isu jira 5 heerka koowaad ah iyo 3 ciyaartoydi cuslaatay ah si  ay uga faa’iidaystaan ciyaartoyda da’yarta waxuuna sheegay in sanadkan ay tartankan maal gelinayso shirkada Duulimaadka Starsom,

Madaxa Shirka Starsom Treveling Axmed Daahir oo isna goobta ka hadlay aya sheegay in maamulkiisa ay go’aansadaeen in ay ka qayb qaataan sare u qaadida isboortiga  gaar ahaan kubadda kolayga, waxuu intaa ku daray in tartankan ay si joogta ah u maal gelin doonaan isla markaana ay ka qayb qaadan doonaan tartamada kale eee isboortiga si  isboortiga soomaaliyeed  horumar u sameeyo.

Ugu Dambayn waxaa halkas ka hadlay oo tartankan furay Agaasimaha waaxda Isboortiga ee wasaaradda dhalinyarda iyo isboortiga Cabdullahi Aaboow Xuseen, waxuuna sheegay in wasaaradu ay  soo dhawaynayso dadaalada xiriirka kubadad kolayga ay kujiraan.

Agaasimaha ayaa dhanka kale u mahad celiyay shirkada Starsom oo  tartankan maal gelinaysa waxuuna shirkadaha kale ee dhaqaalaha haysta ugui baaqay  in ay ka qayb qaataan horumarka isboortiga dalka maal gelina kusameeyaan qaybaha kale gedisan ee isboortiga si isboortiga Soomaaliyeed  uu u horumar gaaro.

Tartankan oo ay ka qayb galayaan  8 koox oo laga Group loo qaybiyay waxaa kulanki ugu horeeyay wada yeeshay kooxaha  Dekedda iyo Plasma waxaana 11-6 ku adkaatay Dekedda.

Ciyaarahan oo  ay koox waliba  u ciyaarayaan 3 ciyaaryahan  ayaa ah marki ugu horeysay  ee Soomaaliya laga ciyaaro iyadoo  xiriirka kubada Kolayga Aduunka (FIBA) ay dhaqan geliyay 2012.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Email: [email protected]

IMG_1078 IMG_1094 IMG_1103 IMG_1114 IMG_1117 IMG_1134 IMG_1153 IMG_1165 IMG_1179 IMG_1188 IMG_1197 IMG_1201 IMG_1204 IMG_1219

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor