Sepp Blatter oo iska casilay shaqada xafiiska FiFa + Sawiro

Madaxweynaha xiriirka kubada cagta aduunka Sepp Blatter ayaa ugu dambeyn shaaciyay in uu iska casilay xilkaasi .

Sepp Blatter oo dhawaan   loo caleyma saaray in markii 5aad ee isku xigta uu noqdo madaxweynaha xiriirka kubada cagta aduunka ayaa warsidayaasha u sheegay  ” Waxaan dareemayaa in aysan jirin wada shaqeyn kooxaha kubadda cagta  iyo ururada kubadda Cagtaa ah ”

mr  Blatter ayaa sheegay in uu iskaga tagayo xafiiska FIFA kadib markii musuq lagu helay mas’uuliyiinta ugu sareysa FIFA.

Madaxweynaha Fifa  waxaa uu intaa ku daray in doorashooyin degdeg ah la qaban doono sida ugu dhaqsiyaha badan si loo doorto ninkii isaga badali lahaa.

FIFA waxaa hareeyay Mowjado Musuq ah, 7 ka mid ah saraakiisha ayaa Musuq loo xiray May 27, 2015

Sepp Blatter ayaa todobaadkii hore markii 5-naad loo doortay jagada Madaxweynaha FIFA, waxaa uuna xilkaas hayey 17 sano.

By : Abdullahi Hassan Elmi “Qoslaaye’

Email : [email protected]

SAWIRRO:

1 2 3

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor