Ronaldo oo ku guulestay abaalmarinta laacibka FIFA ee Sanadkan

Weeraryahanka kubadda Cagta ee Naadiga Real Madrid iyo xulka dalka Purtuqal ayaa ku guulestay abaalmarinta laacibka FIFA ee Sandkaan 2017.

Munaasabad ka dhacday Magaalada london ayaa Cristiano Ronaldo Sanadkii labaad oo xiriir ah lagu gudoonsiiyay.

Ronaldo ayaa ka guulestay Ciyaaryahanada Lionel Messi oo u Ciyaara Kooxda Barcelona iyo Neymar oo isna u safta Naadiga BSG,Ama Paris St- Germain.

Tababaraha Naadiga Real Madrid Zanadine Zidane ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay guusha uu gaaray Cristiano Ronaldo Sanadkii labaad oo xiriir ah.

Cristiano Ronaldo ayaa xagaagii hore suurtageliyay in Kooxda Real Madrid ay ku guuleysato Koobka Horyaalada Yurub iyo la liigaha Spain.

32 jirkaan u dhashay wadanka Purtuqaal ayaa waqtiga intiisa badan waxa uu gelayaa dhanka Kubadda Cagta si ay soo warinayaan Jaraa’idyada ka soo baxa dalkaasi Spain.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media