RASMI: ku soo dhawoow Chelsea Mr Conte,Xiriirka Italy oo cadeeyay Conte inuu tagayo

Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta talyaaniga  Carlo Tavecchio ayaa xaqiijiyay in Antonio Conte uu ka tagi doono shaqadda tababarenimo ee Italy kadib markii uu dhamaado Euro 2016.

Majaladda Goal ayaa fahamsan in tababarihii hore ee  Juventus uu qaban doono shaqadda kooxda Chelsea marka uu bilowdo xagaaga dambe, kadib markii ay soo shaacbaxen wararka sida aadka ah loola xiriirinayo shaqadda Stamford Bridge.

Madaxweynaha xiriirka kubbadda cagta talyaaniga ayaa hadalkaasi ka sheegay kullanka caadiga ah ee xiriirka, Tavecchio ayaa yiri: “Conte waa uu tagayaa kadib koobka European Championships.”

46-sano-jiran ayaa 2014-kii xilkan ka badalay macallin Cesare Prandelli waxaana uu xulka Azzurri uu sii heyn doonaa ilaa koobka European Championships xagaagan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor