Rafael Benitez oo shaqada ka badalyo Manuel Pellegrini

Tababaraha kooxda Napoli Rafael Benitez ayaa lagu soo waramayaa loo aqoonsaday in uu  bedel u noqan  doono Manuel Pellegrini dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Iyadoo kooxda  horyaalka difaacaneysa ay ku jirto qaab ciyaared aad u xun ayaa waxaa la sheegaya in Macalinka reer Chile uu soo idlaaday waqtigiisi city waxaana jiro Macalimiin Farabada oo loo soo calaameyay in shaqada ay ka badalaan Manuel Pellegrini .

Sida laga soo xigtay Daily Express Pellegrin ayaa  milkiilaha  kooxda   dulqaadka ka  lumiyay waxaan uu goaansaday in  xilli ciyaareedkan dhamaadkiis uu badalo .

shaqada kooxda Manuel Pellegrini ayaa la la xiriirnayaa  tababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti  hogaamiyaha  Liverpool Brendan Rodgers .

Balse warar kale ayaa sheegay in shaqda uu u dhowyahay in loo dhiibo Macalinka kooxda Napoli ee  Benitez, kaas oo ku guuleystay Champions League  Liverpool sanadkii 2005 haatan leeliya  Napoli  waxaana la filayaa in xagaagan uu ka tago kooxda talyaaniga ah kuna biiro City .

City ay guuldarro 1-0 kala kulantay  Burnley  waxaan shan dhibcood ay  lix dhibcood u jirtaa hogaamiyaasha horyaalka Premier League  ee  Chelsea   oo bar baro lagu qabtay .

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor