Nasiibdaro ku habsatay Robin van Persie,Waayihiisa xulka Holland oo dhamaaday

Robin van Persie xirfadiisa xulka dalkiisa Holland ayaa u muuqata haatan mid soo dhamaatay,kadib markii laga reebay Liiska xiddigaha xulka dalkaas ee ciyaaraha soo socda ciyaaraya.

Holland ayaa dhawaan la ciyaareysa ciyaaro saaxibtinimo xulalka France iyo England.

Waxaa ay u muuqataa inuu seegayo koobka Adduunka 2018.

Weeraryahanka Fenerbahce ayaa 50 gool u dhaliyay dalkiisa 101 kulan uu u saftay.

Van Persie ayaa kamid ah 8 ciyaaryahan oo wax ka badan 100 kulan iyo wax ka badan  u saftay dalkaas..

Guud ahaan liiska Xiddigaha Holland ee lagu dhawaaqay waa kuwan.

Goolhayayaasha: Jasper Cillessen (Ajax), Kenneth Vermeer (Feyenoord), Jeroen Zoet (PSV).

Daafacyada: Virgil van Dijk (Southampton), Daley Blind (Manchester United), Mitchell Dijks (Ajax), Jeffrey Bruma (PSV), Daryl Janmaat (Newcastle), Timo Letschert (Utrecht), Erik Pieters (Stoke City), Jetro Willems (PSV), Joel Veltman (Ajax), Ron Vlaar (AZ).

Qadka dhexe: Ibrahim Afellay (Stoke City), Riechedly Bazoer (Ajax), Jordy Clasie (Southampton), Davy Klaassen (Ajax), Davy Propper (PSV), Wesley Sneijder (Galatasaray), Georginio Wijnaldum (Newcastle).

Weerarka: Memphis Depay (Manchester United), Klaas-Jan Huntelaar (Schalke), Vincent Janssen (AZ), Luuk de Jong (PSV), Jurgen Locadia (PSV), Luciano Narsingh (PSV), Quincy Promes (Spartak Moscow), Arjen Robben (Bayern Munich).

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor