Ka hor kullanka El Clasico wax ka ogow, Yaa guulo badan Barcelona iyo Real Madrid

Iyada oo ay soo dhawdahay kullanka El Clasico ee ay wada ciyaari doonaan kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa waxaa isa soo taraya taageerayaasha isku haya cida guulo badan labada koox.

Habada aqristayaasheena sharafta leh ee ku xeran radio dalsan.com ayaa maanta waxaa la wadaageynaa cidda guulo badan Barcelona iyo Real Madrid horyaalka La Liga iyo Tartamadda oo dhan.

Labadan koox ayaa horyaalka La liga ee dalka Spian ku wada kulmay 171-jeer, Barcelona ayaa adkaatay 68 kullan, halka Real Madrid ay badisay 72 kullan sidaa darteed waxaa horyaalka La Liga guul badan naadiga Real Madrid.

Dhinaca kale hadii aan barbar dhigno dhamaan tartamadda kulamadda labadan kooxood ayaa ah sida soo socota.

Barcelona iyo Real Madrid Tartamadda oo idil waxaa ay kulmeen 263 jeer, Barcelona oo ah hogaamiyayaasha La Liga ayaa badisay 109-jeer, halka Real Madrid ay badisay 96-jeer.

Sidaa darteed kooxda Barcelona ayaa guulo badan marki loo eego tartamadda oo dhan, halka Real Madrid ay kaga guulo badan tahay tartanka La Liga.

Real Madrid iyo Barcelona ayaa ah labo naadi oo aad u xifaaltama waxaana kullankooda aadka loo wada sugayo uu dhici doonaa 2-April 2016.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor