Horyaalkii 22-aad ee Kubadda Miiska oo Muqdisho ka bilowdey + sawiro

Waxaa shalay magaalada Muqdisho si rasmiya uga biloowdey Horyaalkii 22-aad ee Kubadda Miiska (Table Tennis) kaasi oo ay soo agaasimeen Masuuliyiinta XSKM,iyadoo xafladii furitaanka ay kasoo qeybgaleen Cayaaryahanada tartameysa iyo taageerayaashooda.

Tartanka Horyaalka furitaankiisa ka sokoow Masuuliyiinta Xiriirka Miiska waxaa kaloo Goob joog u ahaa Cayaaryahano hore oo Kubadda Miiska iyo Ibraahim Xuseen Cali (Roombo) oo katirsan GOS isla markaana ah Madaxa Gobolada ee Olombikada Soomaaliyeed.

Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku-xigeenka Xiriirka Kubadda Miiska ahna kusimaha Gudoomiyaha C/laahi Ciise Cali oo sharaxay in XSKM ay isku howlaan sanad waliba iney qabtaan tartamadii kala gedisnaa,iminkana ay Horyaalkii sanadka 2015- ay u joogaan,isagoo sheegay in 5 kooxood ay sanadkan ka qeybgalayaan horyaalka.

Ibraahim Roombo oo GOS ka socdey ayaa Xiriirka Kubadda Miiska ku amaanay iney kasoo dhalaalaan arimaha tartamada iyo ka qeybgalka shirarka ka dhaca dalka dibadiisa,sidaasi darteed GOS ay ku hambalyeyneyso howsha Sporti ee ay hayaan,wuxuuna ku dhawaaqay in Tartankii horyaalkii 22-aad si rasmi ah u furan yahay.

Waxaa kadib halkaasi lagu cayaaray Kulamo Keli keli iyo kooxeysi oo ay dhamaan shanta koxood halkaasi isku reebeen,yadoo la filayo in 4-ta bisha la qaban doono cayaarta kama danbeyta iyo xafladii xeritaanka insha allaah.

S/Qaade: Xuseen Maxed Hadafow

DABCEF

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor