Gos oo si Wadajir xustay Maalinta isboortiga iyo Nabada Aduunka iyo Maalinta Ciyaartoyda Soomaaliyeed + Sawirro

Munaasabad lagu xusayay Maalinta nabada  iyo isboortiga aduunka   iyo  maalinta ciyaartoyda Soomaaliyeed  ayaa maanta ka dhacday garoonka Banaadir Waxaana ka soo qayb galay in kabadan 2000 oo  ciyaaryahan oo wiilal iyo gabdho isugu jiray   kana socday kooxaha xiriirada kala gedisan ee dalka , degmooyinka gobolka Banaadir iskuulada , ciyaartoydii hore iyo Masuuliyiin ka socotay  wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga maamulka Gobolka  Banaadir .

Ciyaartoyda oo isu jiray wiilal iyo gabdho  ayaa socod ku soo maray garoonka  waxaana ugu horayn halkaas ka hadlay Xogahayaha Gos Duran Axmed Farax oo sheegay 6 -da April ay tahay Maalin wayn oo xambarsan Laba munasabad oo kala ah Maalinta nabada iyo isboortiga Caalamiga iyo Maalinta Ciyaartoyda Soomaaliyeed waxuuna mahad celin u soo jeediyay dhamaan intii isku howshay in ay ka qayb qaadato Maalintan qaaliga ah.

Guddoomiye ku xigeenka XSKC Cali Cabdi Maxamed Cali Shiino oo ka hadlay Munasabd ayaa sheegay in xiriirka kubada cagta uu garoonka Banaadir isu keenay kooxaha u diiwaan gashayn si uu wayneeyo munaasabadahan oo qiimo wayn ugu fadhiya ciyaartoday Soomaaliyeed.

Laacibkii Hore  Xulka Qaranka Soomaaliyeed iyo Kooxdii Muqdisho Axmed Cabaas Busuri oo ku hadlay magaca ciyartoyda Soomaaliyeed kuwii hore iyo kuwa hada ayaa soo dhaweeyay in maalin ay yeeshaan ciyaartoyda soomaaliyeed waxuuna ugu baaqay dhamaan ciyaartoyda iyo bahda jecel  isboortiga in ay ka qayb qaatan horumarinta isboortiga dalka.

Guddoomiyaha Gos Cabdullahi Axmed Tarabi oo munaasavada ka hadlay ayaa sheegay ay maanta tahaya maalinta nabada iyo isboortiga caalamka sidoo kale maalinta ciyaartoyda Soomaaaliyeed, waxuuna inta ku daray in ciyaartoyda ay yihiin tiirka ugu wayn   isboortiga’ la aantoodna uu isboortiga jiri lahayn, Guddoomiye Tarabi ayaa intaa kudraay in ciyaartoyda ay isugu soo baxeen in ay codkooda muujiyaan maalintoodana waynaystaan Gosna  ay joogtayn doonto Musaabdan si ka balaarana ay sanadka dambe u qaban doonto.

Ugu dambayn waxaa halkaas ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaarada dhalinyrada iyo isbortiga Cusmaan Aadan Dhuuboow waxuu sheegay in kulankan ay isugu yimaadeen ciyaartoyda soomaaliyeed ay sare u qaadayso isboortiga , dhalinyardana ay laf dhabar u yihiin nabada iyo isboortiga wasaaraduuna ay taageri doonto wax kasta oo lagu horumarinayo isboortiga, wasiirka aya ugu damayn u mahadceliyay guddiga olombikada Soomaaliyeed iyo xiriiradiisoo qayb wayn ka qaatay in xuso Munaasabada  malinta nabada iyo isboortiga Caalamka laga asteeyo maalinta Ciyaartoyda  Soomaaliyeed .

Munaasbada maalinta nabada iyo isboortiga ayaa 4 bisha soo bilaabatay iyadoo gos ay ku xuseen ciyaar kubada kolayga Maantana ay noqotay marki ugu horaysay ee loo asteeyo maalinta ciyaartoda Soomaaliyeed iyo gebogebada Xuska maalinta nabada

Daawo Sawiradda :-

DSC_3628 DSC_3751 DSC_3754 DSC_3792 DSC_3804 DSC08135 DSC08142 DSC08167 DSC08177 DSC08180 DSC08251 DSC08253 DSC08271 IMG_2893 IMG_2896 IMG_2902 IMG_2982 IMG_3065 IMG_3073 IMG_8177 IMG_8247 IMG_8260 IMG_8273 IMG_8285 IMG_8295 IMG_8297 IMG_8298 IMG_8306 IMG_8324 IMG_8335 IMG_8338 IMG_8340 IMG_8345 IMG_8353 IMG_8355 IMG_8361 IMG_8364 IMG_8373 IMG_8376 IMG_8383 IMG_8386 IMG_8392 IMG_8411 IMG_8464 IMG_8473 IMG_8483 IMG_8493 IMG_8509 IMG_8520 IMG_8529 IMG_8537

Nocsom Media Department.