Garsoorayaal Soomaali ah oo maanta gaaray CaasimadaTunisia+ Sawirro

Waxaa maalintii shalay ahayd garoonka diyaaradaha ee Aadn Cade ka duulay afar garsoore oo heer caalami ah kuwaas oo u dhashtay dalkeena soomaaliya  kuwaas oo ku wajahana dalka Tunisia  .

Garsoorayaashaan Soomaalida ah waxa ay maalinta Jimcaha  ah dhex dhexaadi doonaan ciyaar katirsan tartanka Confederation Cup  taas oo lagu ciyaari doono garoon ku yaala magaalada Tunis ee dalkaasi  .

garsoorayaasha u amabaxay dhexdhexaadinta tartankaas ayaa waxa ka mid ah .

Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish, Saleeymaan Shiikh Bashiir,Bashiir Colaad iyo Xamza Xaaji Cabdi.

 

Kulankaas waxa uu dhexmari doonaa labo koox oo ka kala dhisan dalalka Tunisia iyo Algeria .kuwaas oo kala ah Club Afirca oo ka dhisan Tunisia iyo Amal Zad oo iyada ka dhisan dalka Algeria .

Marka dib loo eego labadaan naadi kulankii hore oo ay isa soo arkayn wax ay ciyaatooda ku soo idlaatay 1-1 bar bar kulankaana waxa uu yahay mid lagu kala bixi doono.

Kooxdii soo dkaata waxay u soo gudbi doontaa wareega 8-ee tartanka Confederation Cup.

Waxaa si wayn loo dareemayaa hormar aad ubalaaran oo dhanka garsoorka ah  markii dalalka Africa laga hadlana baal dahaba ayay ka galeen garsoorayaaha heerka caalami ee ku dhashtay dalkeen Soomaaliaya.

DAAWO SAWIRROass

asss

assss

asssss

assssss

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor