Gareth Barry “Ma ahan waraabe Diego Costa

Gareth Barry ayaa bad baadinaya markan xiddiga kooxda Chelsea ee Diego Costa oo Qatar ugu jira in la ganaaxo.

Warbaahinta England ayaa aad u hadal heysa qaniinyada Costa la sheegay inuu la aaday xalay xiddiga Everton ee Gareth Barry.

Afhayeenka xiddiga Chelsea ayaa beeniyay warkaas goor hore oo maanta ah waxaana uu sheegay xiddiga inuu afkiisa ka qiray ineysan wax qaniinyo jirin.

In loo ganaaxi doono sidii Suarez oo kale ayaa soo baxday kaas oo qaniinyo ku sameeyay ciyaarihii Adduunkii 2014 ee ka dhacay Brazil.

Haatana warkale ayaa soo baxay kaas oo ah Gareth Barry inuu cadeeyay in Costa uusan qaniinin isaga taas waa ay bad baadin doontaa Costa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor