FIFA oo Tababar heer caalami ah u furtey Garsoorayaasha kubadda Cagta +Sawiro

 

Munaasabadda furitaanka  seminaarka , waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda dhalinyarad iyo isboortiga, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, madaxada xiriirada ,guddiga Fulinta xiriirka kubadda cagta Macalimiinta Seminaarkan bixinaysan oo u dhashay dalalka Masar iyo Jordan.iyo garsoorayaasha kubadd cagta.

Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay kusimaha xoghayaha XSKC Cali Maxamed Axmed( Cali saciid) waxuuna sheegay in  Seminaarkan uu  yahay kii shanaad oo ay Fifa u qabato Soomaaliya sedex kamid ah lagu qabtay jabuuti, dhanka kale waxaa la qaband oonaan seminaar muhiim ah oo dhanka Macalimiinta garsoorayaasha ayuu Cali Saciid raaciyay.

Guddooomiye Sharafeedka Gos Cabduqaadir Gacal Abkow oo isna  munaaasabadda ka hadlay ayaa  sheegay in kubadda cagta ay ka mid tahay xiririada ugu horeeyay dalka ka hana qaaday,  garsoorkuna  laf dhabar  yahay ciyaaraha dalka.

Macalinka seminaaraakan bixinayay Axmed Al shanawi   dalka Masar u dhashay oo isna ka hadlay  munaasabada wuxuna garsoorayaasha somaaliyed ku amaanay hormarada ay sameynayaan

” Waa sanadkilabaad dalka Soomaaliya imaanayo waana  balan qaadkii aan samaayey sandkan   waxaa  i  wehliya  Xasan Mxamed Xasan uu dalka  jordan u dhashay waxaana   go’an ku  gaarnay in aan caawino isboortiga Soomaaliya, iskana ilowaan dhibaatoyinka ka  jira”  ayuu yiri Alshanawi.

Guddoomiye Ku xigeenka XSKC Cali Cabdi Maxamed Cali Shiino ayaa isna sheegay  in shanti  sano ee ugu dambeeyay uu xiriirka  qabanayeen korsooyinlagu horumanayo , garsoorayaasha iyo macalimiintooda, waxay qabteen dadaal xoogan dalka iyo dibada  iyadoo  ay maanta 4 garsoore dalka ka dhooftay si ay u soo dhex dhexadiyaan ciyaaro ka dhacaya dalka Tunisia,  waxuuna mahad celin u soo jeediyay Fifa oo garab istaagtay y soomaaliya  sidoo Kale waxuu mahad celiyay Gos iyo Wasaaradda dhalinyarada oo  kaalintooda  nala qabtay ayuu Guddoomiye ku xigeenka yiri.

Guddoomiyaha XSKC Cabdiqani Saciid Carab oo munaasabda ka hadlay aya ku dheeraaday muhiimada uu garsoorka u leeyahay isboortiga dalka waxuuna madaxdii kusugnaa madasha ka codsaday in Loo istaago faataxanda loo aqriyo  allaha u naxariistee Faarax Wehliye Cadoow Sendiko oo wax badan ku soo dhex jiray howshan  garsoorka  xilal mhiim ahna ka soo qabtay garsoorka Afrika iyo Fifa islamarkaana Taariikh lama iloobaan ku leh isbortiga dalka gaar ahaan kubada cagta.

Guddoomiye Cabdiqani ayaa dhanka kale fariin u diray Fifa  si loo balaariyo hporumarinta kubada cagta oo aysan FIfa Ku koobnaan Garsoorka oo  kaliya ., waxuuna mahad celin u soo jeediyay Macalimiinta  dalka u yimid  in ay horumaryaan garsoorayaasha kubadd cagta Soomaaliyeed, waxuuna garsoorayaasha tababarka qaadanaya kula dardaarmay in ay layimaadan dadaal iyo karti si ay uga faa’iidaystaan macaliinta islamarkaan ay anshaxooda wanaajiyaan,

Ugu dambayn waxaa halkaas ka hadlay wasiir ku xigeenka dhalinyarda iyo isboortiga Cusmaan Aadan Dhuuboow,  waxuuna ugu horayn uga mahd celiyay Fifa oo ogolaatay in dalka Soomaaliya loo soo diro macalimiin si ay u horumariyaan qaybta garsoorka waxaan rajeynaynaa in Fifa qaybaha kale muhiimka ah ay u soo diri doonto  Soomaliya, ayuu wasiirku yiri

Wasirka ayaa ku nuuxnuuxsday in wasaaraddana ay qaadan doono si uu isboortiga Soomaaliyeed u hormaro simaarkan oo lagu Magacaabo MA Course ( Member Asositions) ayay Fifa u qabataa dalalka Caalamka waana sanadkii labaad oo Soomaaliya lagu qabanayo waxaana sandkan ka qayb qaadanaya 24 garsoore taasoo muujinayso daalka horumarineed uu kutalaabsanayo isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan kubada cagta.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

 

DSC09818IMG_9852IMG_9856IMG_9882IMG_9890IMG_1361IMG_1366IMG_0074IMG_0075IMG_0079IMG_0081IMG_0085

IMG_0011IMG_0029IMG_1179IMG_1181

DSC_0362IMG_1183IMG_1191IMG_1198IMG_1228IMG_1236

IMG_1239IMG_1243IMG_1246IMG_1247IMG_1252IMG_1254IMG_1262IMG_1271IMG_1368  IMG_9899IMG_9917IMG_9918IMG_9934IMG_9956IMG_9958IMG_9961IMG_9966IMG_9978IMG_9980IMG_9981

 

IMG_1219

IMG_9980IMG_1380IMG_1383IMG_1395IMG_9966

IMG_1318IMG_1323IMG_1341