Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh: juventus vs Dortmund

Cawaa dad farabadan ayaa maanka ku haaya xusuustii ciyaartii kam danbeysta aheyd ee sanadkii 1997dii  waxaan caawa ay ku madalsanyihin wadanka talyaaniga gaar ahaan garoonka marwada duqda ciyaar ka tirsan wareega 16-ka Uefa Champions League

Sheekooyinka la xiriira kulankan

 

Arturo Vidal ayaa ka soo laban doona dhawac kulanka  caawa ay kooxda Juventus la  madal santahay  Borussia Dortmund lugta hore wareega 16-ka Champions League   .

Carlos Tevez  ayaa  la filaayaa in ay ka garab ciyaaro Fernando Llorente ayaa .

Laakiin Marco Reus iyo Pierre-Emerick Aubameyang ayaa la filayaa inay ku soo  bilaabadaan kulankan.

Kooxda  marwada duqdda  ayaa raadineysa hadda wadada ugu macquulsan oo ay markedii afaraad oo xiriir ah ay ku qadeyso horyaalka Serie A,

Dortmund waa sandkii sadexad oo isku xiga oo ay soo gaareyso wareega 16 ka Champions League,

Dortmund ayaa hoos u dhac weyn ku dhacay qaab ciyaareedkedi waxaan la filaa in caawa ay dib ugu soo noqdaan sidii lagu yaqiinay

horyaalka wadanka Germany ee Bundesliga aye kaga jirtaa kaalinta 12aad

Dortmund  ayaa kaga badisay  Juventus markii ugu dambeysay oo ay kulmeen oo aheyd 1997.

Taariikhada labada kooxood .

Jurgen Klopp kooxdiisa ayaa gaartay wareega 16 ka markii sadexada oo isku xiga markii ay kalinta koowad ka gashay xagagan kooxda Arsenal oo ay kuwada jireen Group D.

Dortmund ayaa guleysatya shank amid ah 7 kulan ee ugu dambeeyay UEFA Champions League oo ay bananaka kusoo ciyaratay xagagaan waxay 3-0 kaga badiyeen Anderlecht sidooakle  4-0 ayey ku garaaceen Galatasaray ,halka  2-0 ay ku tumeen Arsenal.

Dortmund ayaa ricord aan fiicneyn ku leh kooxaha Italy marka ay booqaneyso W4 D1 L9. waxaana marki ugu dmabeysay 2-1 kusoo garaacday Napoli.

Aubameyang ayaa dhaliyay Afar gool sadexdii kulan ee ugu dambeeyya kooxdiisa,

Lichtsteiner, Alvaro Morata iyo Pogba ayaa min hal jaaale ujira inay seegaan lugta labaad.

Kulanka: Juventus v Borussia Dortmund

Garoonka: Juventus Stadium

Saacada : 10:45pm Waqtiga Somaaliya

Referee : Antonio Mateu (Spain)

Safka hore ee labada kooxood 

Juventus:– Buffon; Lichtsteiner, Chiellini, Bonucci, Evra; Pirlo, Marchisio, Pogba; Pereyra; Llorente, Tevez

Dortmund :- Weidenfeller; Piszczek, Subotic, Hummels, Schmelzer; Sahin, Kagawa, Gundogan, Reus; Immobile, Aubameyang

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor