Daafaca Liverpool Nathaniel Clyne oo u hanjabay Manchester United

Daafaca kooxda Liverpool Nathaniel Clyne ayaa ku hanjabay kooxdiisa iney ka aarsan doonto Man United guuldarooyinkii ka soo gaaray xagaagan.

Labadan koox ayaa ku balansan wareega 16-ka Europa League Khamiista.

United ayaa badisay afartii kulan ugu dambeeyay ay la ciyaartay Reds oo ay ku jirto guuldaradii 3-1 kasoo gaartay Old Trafford September.

Sidoo kale January ayaa looga badiyay Anfield markaas oo 1-0 looga badiyay hadana.

Laakiin Daafacan England u dhashay ayaa wacad ku maray in United ay dhulka la geli doonaan.

Liverpool ayaan ugu badin Man United garoonkeeda Anfield September 2013.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor