Arsenal oo isku diyaarineysa £12m ku soo iibsato Chris Smalling’

Arsenal  ayaa liiska ciyaariyahanada ay la soo waregeyso ku darsatay xidiga kooxda for Manchester United  Chris Smalling  kaas oo ay qorsheyneyso in ku soo iibsato qiimo dhan £12m  xagaagan suuqa marka uu furmo suuqa kala iibsiga .

Tababaraha Gunners Arsene Wenger ayaa soo cusbooneysiisay xiisaha uu u qabo  daafac dhexe Red Devils –ka oo kooxdiisa ay u soo bandhigtay  heshiis cusub oo ku cusbooniisiinayo waqtiga uu ku sugnaanayo kooxdiisa sida ay qortay The Telegraph.

Smalling ayaa 12 bilood ay uga harsan tahay qandaraaskiisa haatan, halka tababaraha United Louis van Gaal ayaa lagu soo waramayaa dooneyo in uu ceshto  daafaca dhexe  ee reer England  xagaaga.

Wiilkii hore ee kooxda  Fulham  ayaa qeyb ka ah xidigaha laga diri doona  Old Trafford  hadii macalin Van Gaal  uu ku guuleysto dooniistiisa ku aadan  Mats Hummels  -ka  Borussia Dortmund.

 

Arsenal  ayaa xiiseyneysay saxiixa  Smalling’s  xagaagii  2010 intii uu san  United –ka kaga soo biirin  Fulham  kaas oo ugu soo biiray heshiis dhan  £10m .

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor