Aaron Ramsey oo rajeynaya caawa mucjiso si ay Barcelona u reebaan

Xiddiga Arsenal ee Aaron Ramsey ayaa aaminsan kooxdiisa iney caawa sameyn karto mucjiso kana soo kaban doonto guuldaradii 2-0 kulankii hore kasoo gaartay Barcelona.

Laakiin Ramsey isaga saadaalinaya taas iney dhici karto ma ciyaarayo caawa oo waa uu dhaawacan yahay.

Arsenal ayaan ka gudbin wareegan 16-ka lixdii xili ciyaareed ee la soo dhaafay.

Messi ayaa Barcelona u dhaliyay labada gool ay kulankii hore ku badiyeen .

Ramsey  ayaa qaba hadii ay gool dhaliyaan bilowga ciyaarta iney habeenka caawa mucjiso ay sameyn doonaan.

Gunners waxaa ku filan 2-0 si waqti dheeri loogu daro ciyaarta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor