Xukuumadda xil-gaarsiinta oo shaacisay inuu Maanta furmay Shirka Doorashooyinka

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xil-gaarsiinta ayaa faah-faahin ka bixisay Shirkii Madaxda dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah kuwa maamul Goboleedyada ku yeesheen Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe oo Goor dhow warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Shirka Madaxda ee lagu dhameystirayo heshiiskii 17-kii September 2020 uu Maanta si rasmi ah uga furmay Afisyooni, uuna sii socon doono.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo uu daah-furay Shirka, ayna kasoo qeyb galeen Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweyneyaasha Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa tilmaamay in Shirka aysan kasoo qeyb gelin Madaxda Puntland iyo Jubbaland, isagoona ugu baaqay inay kasoo qeyb galaan Shirka Madaxda oo sii socon doono, isla markaana lagu dhameystirayo heshiiskii Guddiga Farsamada ku gaareen Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe  ayaa shuruudo ku xiray ka qeyb galka Shirkaan Maanta furmay, waxaana Puntland ay horey u sheegtay in aysan ka qeyb geli doonin Shirkaas Madaxda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor