Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia, Axmed Ciise Cawad ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Wargeyska The Standard ee ka soo baxa Nairobi, wuxuuna carrabja ku dhuftay inay Somalia doonayso inay xiriir wanaagsan la lahaadaan Kenya.
Wasiir Cawad waxa uu ku qoslay wararka sheegaya ina Dowladda Kenya la safan tahay Maamul-gobaleedyadda Somalia, gaar ahaan Maamulka W/Galbeed ee Somalia.
Dowladda Somalia ayaa ahayd tii Kenya u fasaxday inay Qunusliyad ka furtaan Hargeysa” ayuu yiri Wasiir Cawad oo intaasi ku daray inay Kenya xitaa u oggolaatay Somalia inay Qunsulliyad ka furtaan magaalladda Mombasa, haddii ay doonayaan.
Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia, Axmed Ciise Cawad ayaa u muuqda mid lagu qaboojinayo Khilaafka diplomaasiyadeed ee labada Waddan, iyadoo Dowladda Kenya u ololeynayso inay ka sii darto xiisaddaasi.
Khilaafka Somalia iyo Kenya ayaa waxa asaas u ahaa muranka Xuduud-baddeedka ee ay Kenya ku sheeganayso qeybo ka mid ah Badda Somalia, iyadoo dacwadaasi hor taallo Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ICJ oo ku taalla magaalladda The Hague ee dalka Holland.
Fadhiga soo soccda ee Dhegeysiga Garnaqsiga ee Dacwadaasi ayaa la filayaa inay Xeer-beegtida Maxkamadda ICJ u fariistaan bisha September ee soo socota, iyadoo Go’aanka Kama-dambaysta ee ICJ la rajeynayo in lagu dhawaaqo sannadka soo socda ee 2020-ka.
Si kastaba ha ahaatee, Diplomaasiyiinta ayaa rumeysan in sababaha ay Dowladda Kenya u abuurayso Khilaafka xilligan inay tahay iyadoo rajo xun ka qbta inay ku guuleysato Dacwadda Muranka Xuduud-baddeedka ay ku sheeganayso 100 KM oo isku wareeg ah oo ka mid ah Badda Somalia, taasi oo hodan ku ah Kheyraadka Dabiiciga, sida Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga.