Xukuumadda shaacisay in Maanta Imtixaanka shahaadiga DF lagu galayo Baxdo

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Maanta Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada sare ee dalka lagu galayo deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud oo shalay uu ka dhacay dagaal khasaaro badan dhaliyey.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda C/raxmaan Maxamed Jaabiri ayaa sheegay in Imtixaanka shahaadiga ay u fariisteen ardayda Dugsiyada sare ee deegaanka Baxdo, isla markaana halkaas la geeyay Imtixaanka.

Wuxuu tilmaamay C/raxmaan Jaabiri in ammaanka deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud uu yahay mid wanaagsan, laguna galayo Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada sare oo qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka.

Sidoo kale Wasiiru-dowlaha ayaa sheegay in Imtixaanka shahaadiga la gaarsiiyay dhammaan Magalooyinka afar dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir oo Maanta Aradyda galayaan Imtixaanka oo sanadkaan ay u fariisteen 35,000 (Soddon iyo Shan kun) oo arday.

Dagaal khasaaro badan dhaliyey ayaa shalay deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo dhexmaray maleeshiyaad hubeysan oo deegaanka iyo Al-shabaab, waxaana dagaalka Shabaab looga dilay in ka badan 30 xubnood, halka dhanka maleeshiyaadka deegaanka la dilay tobaneeyo, xaaladda ayaa Maanta degan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor