HomeWararXukuumadda Oo Billowday Fulinta Amarkii Ra’iisul Wasaaraha Ee Doorashada

Xukuumadda Oo Billowday Fulinta Amarkii Ra’iisul Wasaaraha Ee Doorashada

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Shirka Guddi hoosaadka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay oo maanta lagu qabtay Muqdisho ayaa lagu falanqeeyay sidii loo fulin lahaa amarkii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in xukuumaddu si buuxda uga shaqayso hirgalinta doorashada dalka oo xilligeeda lagu qabto. Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, mudane Xasan Cali Khayre ayaa furay shirka Guddi hoosaadka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay, waxaana guddoomiyay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Shirka Guddi hoosaadka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay oo maanta lagu qabtay Muqdisho ayaa lagu falanqeeyay sidii loo fulin lahaa amarkii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in xukuumaddu si buuxda uga shaqayso hirgalinta doorashada dalka oo xilligeeda lagu qabto.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, mudane Xasan Cali Khayre ayaa furay shirka Guddi hoosaadka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay, waxaana guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

- Advertisement -

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibrahim (Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in ay guddigu diyaariyeen tallaabooyinka farsamo ee laga sugayay guddiga si loo hirgeliyo doorasahada.

Kulanka ayaa looga dooday baahida degdegga ah ee loo qabo wada tashi loo dhanyahay oo ay yeeshaan dowladda Federaalka iyo dhammaan dowlad goboleedyada, si loo hirgeliyo doorasho loo dhan yahay oo xilligeeda ku qabsoonta.

Xubnaha guddiga ayaa si wadajir ah hoosta uga xarriiqa muhiimmadda ay leedahay in la helo heshiis siyaasadeed oo gogosha u xaara in loo gudbo arrimaha farsamo ee doorashooyinka, kadibna loo soo bandhigo qorsho cad oo waqtiyeeysan.

- Advertisement -

Wasaarraddaha Amniga, maaliyadda iyo arrimaha gudaha ayaa iyana soo bandhigay qorshaha uga aaddan doorshooyinka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Shirkii Golaha wasiirrada Khamiistii la soo dhaafay ka shaaciyay in shaqada ugu muhiimsan ee dowladda hortaalla xilligan ay tahay hiegelinta doorashada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts