HomeWararXukuumadda iyo Hirshabeelle oo ka wada hadlay dhibaatooyinka Fatahaadaha

Xukuumadda iyo Hirshabeelle oo ka wada hadlay dhibaatooyinka Fatahaadaha

Date:

Related stories

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Farmaajo oo Xasan Sheekh U Baaqay Wada-hadal

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay wada-hadal siyaasadeed iyo heshiis laga gaaro

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta Xarunta Wasaaradda kulan kula qaatay qaar kamid ah Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ku sugan Muqdisho. Kulanka Wasiir C/raxmaan Beyle iyo Wasiirada Hirshabeelle ayaa waxaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka fatahaadaha Webiga Shabeelle oo ka geystay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta Xarunta Wasaaradda kulan kula qaatay qaar kamid ah Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ku sugan Muqdisho.

Kulanka Wasiir C/raxmaan Beyle iyo Wasiirada Hirshabeelle ayaa waxaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka fatahaadaha Webiga Shabeelle oo ka geystay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

- Advertisement -

Qoraal uu soo saaray Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayuu sheegay in kulan sidoo kale looga arrinsaday mideynta hannaanka dakhliga gudaha iyo mudnaanta gaarka ah ee maal-gelinta deegaanada Dowlad Goboleedyada dalka.

“Waxaa farxad inoo ah in aan ku soo dhaweynay maanta xarunta Wasaaradda Maaliyadda qaar ka mid ah Wasiirrada Dowlad-Goboleedka Hirshabelle, wadahadal markuu daacad yahay had iyo jeer wuxuu u horseedaa guul iyo horumar” ayuu yiri Qoraal kooban oo bartiisa Facebook soo dhigay Wasiirka Maaliyadda.

Hirshabeelle ayaa horey Wasiir C/raxmaan Beyle iyo Wasaarado kale oo ka tirsan Xukuumadda xilgaarsiinta ku eedeysay inay xayireen lacag farabadan oo loogu tala-galay wax ka qabashada fatahaadaha Webiga Shabeelle, balse Wasaaradda Maaliyadda ay beenisay eeda loo jeediyay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts