HomeWararXukuumadda Federalka oo sheegtay in Weerarkii Aw Dheegle lagu dilay, laguna qabtay tiro...

Xukuumadda Federalka oo sheegtay in Weerarkii Aw Dheegle lagu dilay, laguna qabtay tiro Saraakiil Alshabaab.

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Afhayeenka Xukuumadda Federalka Somalia, C/salaam Axmed Caato oo la hadlay Telefishinka CNN-ka, ayaa sheegay in Ciiddamo Khaas oo Maraykan iyo Komaandooska Milliteriga Somalia  ay gacanta ku dhigeen tiro aka tirsan Saraakiil qiimo sare u leh Alshabaab, kadib, weerarkii Habeenkii Talaadada lagu qaaday Deegaanka Aw Dheegle ee Gobalka Sh/hoose. Afhayeenka waxa kaloo uu sheegay in Hawlgalkaasi lagu dilay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Afhayeenka Xukuumadda Federalka Somalia, C/salaam Axmed Caato oo la hadlay Telefishinka CNN-ka, ayaa sheegay in Ciiddamo Khaas oo Maraykan iyo Komaandooska Milliteriga Somalia  ay gacanta ku dhigeen tiro aka tirsan Saraakiil qiimo sare u leh Alshabaab, kadib, weerarkii Habeenkii Talaadada lagu qaaday Deegaanka Aw Dheegle ee Gobalka Sh/hoose.

Afhayeenka waxa kaloo uu sheegay in Hawlgalkaasi lagu dilay ugu yaraan Hoggaamiye ka tirsan Alshabaab iyo dhowr xubnood oo ka tirsan Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

- Advertisement -

Afhayeenka waxa uu xusay inay  unug ka tirsan Ciiddanka Komaandooska Somalia ee loo yaqaano Danab ka qeyb galeen Hawlgalkaasi gaarka ahaa ee lagu qaaday Aw Dheegle.

“Dowladda Somalia wey soo dhaweynayaa inay Maraykanka iyo Ciiddamadda kale kala shaqeeyaan sidii looga adkaan lahaa Alshabaab” ayuu yiri Afhayeen C/salaam Caato.

Dhinaca kale, Afhayeenka Waaxda Gaashaandhigga Maraykaanka, Captain Jeff Davis ayaa sheegay inay Komaandooska Maraykanka ku taageereen Komaandooska Somalia La-talin iyo Hagid weerarkii laguqaaday Aw Dheegle.

- Advertisement -

“Milliteriga Maraykanka waxay Hawlgalkaasi ka qaateen door La-talin oo aysan Milliteriga Somali u lahayn awood si loo fuliyo Hawlgalkaasi” ayuu yiri Afhayeenka Pentagonka, oo ka gaabsaday Faahfaahinta Natiijadda Hawlgalkii Aw Dheegle.

Hawlgalkaasi ayaa u muuqda inuu yahay kii ugu horreeyey oo ay Ciiddamo Maraykan ka qeyb galaan Dagaalka dhulka ah oo ka dhaca Somalia, tan iyo wixii la dambeeyey markii 18 Askari oo Maraykan ah lagu dilay dagaal ay Maleeshiyaddii Jeneral Caydiid kula galeen magaalladda Muqdisho bishii October ee sannadkii 1993-kii.

Labo Diyaaradaha Helikobtarada ee Black Hawk ayaana lagu riday dagaalkaasi, iyadoo Filim loogu magac daray Black Hawk laga sameeyey dagaalkaasi dhacay muddo haatan laga joogo ku-dhawaad 23 sanno.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts