Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u fulisay xukun dil toogasho ah oo horey loogu ridday saddex eedeysane oo lagu helay dambiyo culus oo ay ka mid yihiin dilal qorsheysan, iyo ka mid ahaanshaha kooxda Alshabaab.
Ragga la toogtay ayaa kala ahaa:
-
Qudaama Xamze Yuusuf Maxamed (Yaxye)
-
Cabdi Xassan Rooble (Afeey)
-
Ibraahim Cumar Shamcuun (Hubka)
Saddexdan eedeysane ayaa lagu helay in ay si toos ah uga tirsanaayeen kooxda Alshabaab, islamarkaana ay ka qeyb qaateen falal amni-darro oo ka dhacay gudaha Caasimadda Muqdisho iyo gobolka Shabeelaha Hoose. Dembiyada lagu helay waxaa ka mid ahaa dilal qorsheysan oo lagu beegsaday dad shacab ah iyo saraakiil ciidan.
Maxkamadda ayaa markii hore ku ridday xukun dil ah kadib markii ay cadaato dambiyada ay galeen, iyadoo la marsiiyay dhammaan marxaladihii garsoor ee sharciga waafaqsan. Goobta lagu fuliyay xukunka dilka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida iyo qaar ka mid ah ehelada dadkii ay eedeysanayaashu dileen.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay la dagaallanka argagixisada iyo xaqiijinta cadaaladda, iyadoo caddeysay in ciddii ku lug yeelata falal ka dhan ah amniga qaranka lala xisaabtami doono.