Xukun Dil ah oo lagu riday Dhakhtar caan ahaa oo loo heysto Qaraxyo & dilal dhacay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta xukun dil toogasho ah ku riday Maxamed Cabdinuur Jiirow (Dr Fanax) oo loo haysta dilal, qaraxyo iyo been abuur la xiriira darajooyin ciidan iyo takhasuska uu sheegtay ee mudada uu kaga shaqeysan jiray bulshada dhexdeeda.

Dr Fanax) oo la sheegay in uu dhakhtarnimo kaga howl-gali jiray gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, ayaa 14-kii bishaan Janaayo 2023 markii ugu horreeyay kasoo muuqday Maxkamadda ciidamada.

Maxamed Cabdinuur ayaa lagu eedeeyay in sanado badan ku shaqeysanayay qaab Dhakhtar ahaa, uuna Al-Shabaab kasoo tirsanaa tan iyo 2009-kii, isaga oo kaga biiray Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Xeer Ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, Generaal Cabdullaahi Buula-kamey ayaa maxkamadda ka codsaday in ninkaan lagu rido xukun dil toogasho ah, maadaama uu ka danbeeyay dilal iyo weeraro qaraxyo ah oo dad badan ay ku dhinteen.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Soomaaliya Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqay in eedeysane Maxamed Cabdinuur Jiirow (Dr Fanax) ay Maxkamadda ku xkuntay dil toogasho ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor