Xubno ka tirsan Guddiga lagu murasan yahay oo Booqday Xarun lagu qabanayo Doorasho

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo xubno ka tirsan Guddiga Amniga Doorashooyinka ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Gaadiidka Booliiska, halkaas oo loo asteeyay in lagu qabto doorashooyinka kuraasta Labada Aqal ee Somaliland iyo Banaadir.

Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd qiimeyn ay guddiga ku sameynayeen xarunta Gaadiidka Booliska oo la qorsheynayo in lagu qabto doorashada kuraasta labada Gole ee dowladda, gaar ahaan Somaliland iyo Banaadir.

Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda ugu jirto dardargelinta hannaanka doorashooyinka, maadaama dhawaan uu guddiga soo bandhigay Habraacyada Doorashooyinka 2020/21 ee Aqalka Sare.

Muran xoogan ayaa ka taagan qabashada dalka ka dhaceysa, waxaana Guddiyada la magacaabay siweyn uga soo horjeeda Musharaxiinta Madaxweynaha iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media