Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo mar kale gudaha u galay Dowlad degaanka Soomaalida

Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa abaabullo ka wada xadka ay wadaagaan Soomaliya iyo Itoobiya, saacado yar un kaddib markii ciidanka gaarka ah ee Dowlad-deegaanka Soomaalida ay ku dhawaaqeen inay guul ka gaareen dagaalkii socday maalmihii la soo dhaafay.

Dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in la soo afmeeray wejigii koowaad ee howlgalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab. Gobolka Afdheer oo xad la wadaaga gobolka Bakool ee Soomaaliya waxaa maalmihii la soo dhaafay uu dagaal ku dhex maray ciidanka Liyuu Boolis iyo Al-Shabaab.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in wali lagu raad-joogo qaar ka tirsan Al-Shabaab ee galay gudaha deegaanka Soomaalida.

Ma jiraan ilaa hadda faah-faahinno ka soo baxaya maamulka Dowlad-deegaanka Soomaalida oo sharraxaad ka bixinaysa khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray iyo haddii ay jiraan maxaabiis dagaal.

Mas’uuliyiinta Dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa horay u sheegay in ciidamada dowladda ay dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaddib howlgallo saddex maalmood ka socday gudaha gobolka Afdheer.

Al-Shabaab dhankooda waxay sheegeen Arbacadii in ay dileen ugu yaraan 87 ka tirsan ciidamada gaarka ah ee gobolka ee loo yaqaan Liyu Boolis kaddib weerar “dhif” ah oo ka dhacay xadka dheer ee Itoobiya iyo Soomaaliya ay wadaagaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor