Xubin ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugnaa koonfurta gobolka Mudug ayaa maanta isku dhiibay saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug, iyo ciidamada deegaanka ee ku hawlan howlgallada ka socda gobolka. Dagaalyahankan, oo magaciisa lagu sheegay Yuusuf Macalin Maxamed, ayaa muddo dheer ka tirsanaa Al-Shabaab, hase yeeshee go’aansaday in uu ka faa’iidaysto fursadda cafiska ee ay dowladdu bixiso.
Ciidamada Xoogga Dalka ayaa hadda wada howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyagoo ka hawlgala deegaannada hoos yimaada Camaara, Bacaadweyn, iyo Qaycad ee koonfurta Mudug.
Saraakiisha horkacaysa howlgalka ayaa xaqiijiyey in ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Khawaarijta, iyagoo ku adkeystay in ay jiraan dagaalyahanno kale oo isdhiibaya maalmaha soo socda, maadaama ay cadaadis xooggan kala kulmayaan ciidamada.
Mas’uuliyiintu waxay ku boorriyeen dagaalyahannada weli ku harsan kooxda inay ka faa’iidaystaan fursadda, oo ay isu soo dhiibaan ciidamada, si loo badbaadiyo noloshooda iyo tan bulshada.