Xubin sare oo ka tirsanaa dagaalamayaasha AS ayaa lagu qabtay Gobolka Galgaduud ee maamul Goboleedka Galmudug, waxaana hadda gacanta ku haya Ciidamada ammaanka sida ay sheegayaan wararka nasoo gaaraya.
Dagaalamahaasi ka tirsan AS ayaa lagu qabtay Deegaanka Mareergur ee Gobolka Galgaduud, waxaana gacanta ku dhigay Ciidanka Booliiska Galmudug.
Dagaalamaha ayaa magaciisa lagu sheegay Idiris Maxamed Sheekh, waxaa muddo dheer uu ka tirsanaa dagaalamayaasha AS.
Wararka aan helayno waxaa ay sheegayan in lagu wareejiyay Hey’adda Nisa oo mudo ku raadjoogtay dagaalamahaasi ka tirsan As.
Baaritaanno dheeraad ah ayaa socda wali, waxaana saraakiisha NISA ee la wareegay gacan ku haynta xubintaasi ka tirsan AS ay sheegeen inay baaritaan dheeri ah ku sameyn doonaan, maaddaama ay dhawaanahan ku raadjoogeen.