Xoogagga SSC oo la wareegay degaanno hor leh oo ka tirsan Gobolka Sool

Iyadoo wali uu socda dagaalka u dhexeeya Millateriga Somaliland iyo Xoogagga SSC, ayaa waxaa wararka ka imanaya Gobolka Sool waxaa ay sheegayaan in Ciidanka dadka degaanka ay gaareen degaanno hor leh oo ka tirsan Gobolkaaasi, markii horena ay ku sugnaayeen Millateriga Somaliland.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Xooggaga SSC-Khaatumo ay xalay si buuxda ulawareegeen deegaanka Yagoori oo qiyaati 50km galbeed ka xiga magaalada Laascaanood.

Lama sheegin wax dagaal ah oo ka dhacay degaankaasi,waxaana maal-mihii lasoo dhaafay ay Ciidamada SSC ku fidayeen degaanno hor leh oo ka tirsan Gobolkaasi.

Dagaalka Laascaanood ayaa kusii baahaya degaanno hor leh, Xooggaga deegaanka ayaana muddooyinkanba xoojiyey isku ballaarinta jiidaha galbeed ee gobolka Sool, iyaga oo jaray jidadkii ay isticmaali jireen ciidanka Somaliland ee ku sugan saldhigga Goojacadde.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply