Xoogagga RSF-ta oo sheegtay iney soo rideen diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah

Ciidamada RSF-ta, ayaa sheegtay inay soo rideen diyaaradaha Qumaatiga u kaca, oo ay leeyihiin ciidamada dalka Sudan.

Kooxdan layiraahdo ciidamada deg degga u hawl gala (RSF) ee Sudan, ayaa ku eedeeyey inay soo rideen laba diyaaradood, oo kuwa qumaatiga u kaca ah, kadib weerar aargoosi ah oo ka dhan ahaa ciidamada.

Kooxda ayaa sheegtay in ciidamadu ay weerar ku qaadeen dagaal yahanadooda magaalada Omdurman, oo u dhow caasimadda Khartoum subaxnimadii Khamiista, inkastoo xabbad joojin lagu dhawaaqay Arbacadii.

“Laakiin ciidamada ayaa ka jawaabey weerarka, waxaana ay gaarsiiyeen khasaare naf iyo maalba leh, oo ay ku jiraan soo ridista laba diyaaradood oo helikobter ah,” ayaa lagu yiri warbixin ay RSF soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor