Xoogagga Daalibaan oo laga codsaday in aysan Gudaha u gelin Kabul

Madaxa Golaha Sare ee Dib-u-heshiisiinta Qaranka Afganistan, Cabdalla Cabdalla waxa uu ka codsaday Hogaanka Daalibaan inay waqti siiyaan WADA-xaajoodka, ka hor intaysan gudaha u soo gelin magaalladda Kabul ee ay ku hareeraysan yihiin.

Telefishinka TOLO News ayaa hadalkaasi ka soo xigatay Muuqaal Video oo uu Cabdalla Cabdalla soo dhigay Bartiisa Facebook.

Siyaasiga Cabdalla Cabdalla waxa uu ugu baaqay dadka Reer Afganistan inay ka shaqeeyaan Nabadda iyo inay Ciiddamada hubaal ka dhigaan Amaanka, xilli uu Madaxweyne Ashraf Qaani xilka ka degay, kana dhoofay dalkaasi.

Ashraf Qaani waxaa la xaqiijiyey inuu u dhoofay dalka Tajikistan, kana degay caasimada dalkaasi ee Dushanbe.

Hoggaamiyayaasha Daalibaan weli kama aysan jawaabin Codsiga ku Aadan in Fursad dheeraad ah la siiyo Wada-xaajoodyada, oo aysan ku degdegin inay Gudaha u galaan magaalladda hareeraysan ee Kabul.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor