Xogta: Dadaalka Diplomaasiyadeed ee Uhuru iyo Hailemariama ee Caleema-saarka Madaxweyne Farmaajo.

Wakiilo ka kala socday in ka badan 120-Waddan ayaa maanta ka so oqeyb galay Munaasabadii lagu caleema-saarayey Madaxweynaha cusub ee JFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wafuudda Caalamka waxaa ka dhex muuqday Madaxweynayaasha dalalka Jabuuti, Kenya iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, kuwaasi oo imaanshahooda miisaan u yeeshay Munaasbadda Caleema-saarka.

Ilo Dipomaasi ayaa sheegay in dadaal Diplomaasi loo galay sidii Madaxweynaha Kenya iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia loogu soo dumi lahaa inay ka soo qeyb galaan Munaasabaddaasi, waxaana xalay lagu guuleystay inay oggolaadaan inay wada yimaadaan Muqdisho.

Dowladda Maraykanka iyo Ururka Midowga Afrika ayaa la sheegay inay Uhuru Kenyatta iyo Hailemarian Desalegn ku cadaadiyeen inay ka qeyb galaan Caleema-saarka Madaxweyne Farmaajo.

Culayska noocaasi ayaana laga dheehan karay muddada kooban ee ay Madasha Caleema-saarka joogeen, waxaa loo dedejiyey Khudbadihii Taageeradda ee ay ugu tala-galeen Caleema-saarka, waxayna dhoofeen intii ay Munaasabadaasi socotay.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Uhuru Kenyatta iyo Hailemariama ku kalsamayn imaanshahooda, balse ay adeegsadeen Xeelladda cayn-caynka ee Diplomaasiyadda.

Waxayna xaalladuhu kala caddaan doonaan  marka ay Dowladda Madaxweyne Farmaajo la hawl-geliyo, isla markaana ay Dowladahaasi ka fal-celiyaan xaalladaha la filan karo.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media