Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland ayaa maalintii labaad howl-gal xooggan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada deegaano ku yaalla gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan tuulada Caanoole oo ku taalla dhanka koonfureed ee deegaanka Buulo Xaaji.
Howl-galkaan ayaa lagu burburiyay fariisimo muhiim ah oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen aaggaas, waxaana la sheegay in ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka ay guulo ka gaareen dagaalka, iyagoo meesha ka saaray saldhigyo kooxda ay ku dhibaateyn jirtay shacabka ku nool deegaannadaasi. Taliyaha ciidamada Daraawiishta Jubbaland, Ismaaciil Saxar-diid, ayaa sheegay in howl-galka uu sii socon doono ilaa inta laga sifeynayo dhammaan deegaannada ay weli Al-Shabaab ku xoogan tahay.
Deegaanka Jubbada Hoose ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku jiray olole ballaaran oo ay wadaan ciidamada qaranka iyo kuwa Jubbaland, iyagoo dib uga xoreynaya Al-Shabaab. Howl-galkan hadda socda ayaa sidoo kale la xiriira dagaalka guud ee ka dhanka ah Al-Shabaab, oo laga wado gobollada kala duwan ee dalka, gaar ahaan gobollada dhexe iyo koonfureed. Waxaa la filayaa in wejiga labaad ee dagaalka uu xoogga saari doono maamullada HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo Jubbaland, halkaas oo kooxda weli ku xoogan tahay.
Wejiga koowaad ee dagaalkan ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa la soo afmeeraya, waxaana rajada laga qabaa in guulo waaweyn laga gaaro isku dayga guud ee Al-Shabaab looga saarayo guud ahaan Soomaaliya.