Antonio Guterres ayaa maanta ku baaqay in Taageero dheeraad ah la siiyo Ciiddanka AMISOM ee dagaalka kula jira Alshabaab.
Isagoo ka hadlayey magaalladda Nairobi ayaa sheegay in  loo baahan yahay maalgelin lagu kalsoonaan karo, si ay u fuliyaan Waajibaadkooda La-dagaalanka Alshabaab iyo soo-celinta Deganaanshaha Somalia.
Hadalkiisa ayaa soo baxay, iyadoo ay Dowladaha Midowga Europe sheegeen inay jari doonaan Kaalmadda Lacageed ee ay siiyaan Ciiddanka AMISOM oo dhan ku-dhawaad 200-million oo Dollars.
Ciiddanka AMISOM oo tiradoodu ku dhowdahay 22,000 oo Askari, waxay dhawaan u dabaal degeen sannad-guuraddii 10-aad markii ay Hawlgalkaasi ka bilaabeen Somalia sannadkii 2007-dii.
©Radio Dalsan