Xoghayaha Guud ee QM oo farriin u diray Madaxda Dowladda Federaalka

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres waxa uu si kulul u cambaareeyey weerarkii Hoobiyayaasha ee shalay lala beegsaday Dhismaha QM ku leedahay Xeradda Xalane ee magaalladda Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu falkaasi xadgudub ku yahay Qaanuunka Caalamiga ee Arrimaha Smaafalka.

Waxa uu mar kale xaqiijiyey inaysan falalka noocaasi ah waxba u dhimmi karin dadaalka xooggan ee sii socoshadda Taageerida QM  ee dadaalka DFS iyo dadka Soomaaliyeed ugu jiraan dhismaha Nabadda iyo Deganaanshaha dalka.

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres waxa uu ku booriyey DFS inay baraitaan ku sameeyaan kuwii ka mas’uulka ahaa Weerarkaasi, isla markaana sida ugu dhaqsaha badan loo hor keeno Caddaaladda, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Waxa uu Antonio Guterres sheegay in 7 Hoobiye ku habsadeen Dhismaha QM, kuna dhaaween 2 ka tirsan shaqaalaha QM iyo Nin Qandaraasle ah, wuxuuna u rajeeyey bogsasho degdeg ah.

Si kastaba ha ahaatee, Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda duqeynta laala beegsaday Dhismaha QM ee Xeradda Xalane, waa weerarkii u horreeyey ee ay Alshabaab qaadaan sannadkan cusub ee tirsiga Miilaadiyadda ee 2019-ka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor