Xoghayaha guud ee QM António Guterres oo ka hadlay doorashada Somalia

War-murtiyeed kasoo baxay Xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada midoobay António Guterres ayaa lagu soo dhoweeyay doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh.

Bayaanka ayaa lagu yiri ”Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyay in 15-ka bishan ay si nabad ah ku qabsoonto doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya, wuxuuna u hambalyeeyay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya. Waxa uu ku bogaadiyay Madaxweynaha xilka ka degaya Maxamed C/laahi Maxamed “Farmaajo” oo si deg deg ah u aqbalay natiijada.

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa rajo ka muujiyay in Madaxweynaha cusub uu si deg deg ah usoo magacaabo RW soo dhisa gole Wasiirro oo loo wada dhan yahay, si dowladda cusub iyo maamullada xubnaha ka ah ay si dhow uga wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa arrimaha muhiimka ah ee Qaranka iyo caqabadaha horyaalla.

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay António Guterres  ayaa sheegay inay si dhow ula shaqayn doonaan maamulka cusub si loo horumariyo qorshaha dawlad-dhisidda Soomaaliya iyo wax ka qabashada xaaladaha bini’aadantinimo ee dalka ka jira.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor