Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka BJFS Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa Maanta kulan la qaatay xoghaye ku xigeenadda iyo Agaasime waaxeedyada Golaha Shacabka.
Kulanka ayaa ahaa isbarasho iyo xog-wareysi la xarriiro shaqada ay qabtaan waaxyaha kala duwan ee Golaha Shacabka BJFS.
Kulanka Xoghayaha iyo Agaasime waxeedyada ayaa lagu falanqeeyey sida hufan ee looga shaqeyn karo horumarinta Golaha Shacabka waxaana uu sheegay in Agaasime-yaasha iyo shaqaalaha aqoontooda iyo kartidooda ku kalsoon yahay islamarkaana howl-waddeennada qaar aan fursan u helin tababarada maskaxdooda iyo Tayadooda la dhisi doono.
Xoghayaha Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri, oo ahmiyad gaar ah siiyey in Golaha laga helo adeegyo caafimaad oo tayo leh ayaa adkeeyey in la xoojiyo Baarlamaanka inuu yeesho qeyb u gaar ah Adeegyada Caafimaadka, kaas oo loogu tala galay Madaxda iyo shaqaalaha Baarlamaanka.