Wararka ka imaanaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in saaka halkaas laga dejiyay hub iyo saanad ciidan. Laba diyaaradood oo siday hubka ayaa aroornimadii hore ee maanta ka degay garoonka, iyadoo la sheegay in shaqaalaha badankood laga saaray gudaha garoonka, halka kuwa ku harayna taleefoonnada laga ururiyay si loo sugo amniga.
Ilo-wareedyo dhinaca amniga ah ayaa noo xaqiijiyay in hubka iyo saanadda ciidanka ee maanta la keenay ay Puntland ka soo iibsatay dowladda Itoobiya. Faahfaahin dheeraad ah lagama hayo nooca hubka ama tirada la keenay, iyadoo aanay weli xukuumadda Puntland si rasmi ah uga hadlin arrintan.
Waxaa la saadaalinayaa in hubkan lagu xoojin doono ciidamada Puntland ee la dagaallamaya kooxaha nabad-diidka ah ee ku sugan gobollada waqooyi-bari ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgala xeebaha gobolka Bari. Hubkan cusub ayaa sidoo kale la filayaa inuu qeyb ka noqdo dadaallada Puntland ee ku aaddan xoojinta amniga iyo la dagaallanka argagixisada iyo burcad-badeedda oo mararka qaar dib ugu soo laabta xeebahaas.