(XOG): Ra’isul-wasaare Kheyre oo dib u dhigay magacaabista Golihiisa Wasiiradda.

Iyadoo la hadal-hayey inuu maanta lagu dhawaaqi doono Xukuumadda Cusub ee Federalka ayaa waxaa soo baxay inuu Dib-u-dhac ku yimid Magacaabistaasi.

Ilo-wareedyo ku dhowdhow Xafiiska Ra’isul-wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa u xaqiijiyey Radio Dalsan inuu dib-u-dhacay qorshihii maanta lagu shaacin lahaa Xukuumadda cusub, lana filayo in lagu dhawaaqo Isbuuca soo socda.

Radio Dalsan ayaa soo ogaatay inuu RW Kheyre weli ku hawlan yahay La-tashiyadda  uu la leeyahay Siyaasiyiinta iyo Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed, maadaama ay Beel kasta doonayso inay iska aragto Xukuumadda Cusub ee la soo dhisayo.

Warar aynu si Khaas ah u helnay ayaa sheegayo in Xukuumadda cusub ka koobnaan doonto ilaa 25-Wasiir, kuwaasi oo  isugu jira Siyaasiyiin  xilal hore ka soo qabtay Dowladihii hore iyo Wejiyo ku cusub Masraxa Siyaasadda.

RW Kheyre waxaa xilkaasi loo magacaabay bishii February 21-dii, iyadoo ay Xildhibaanadda ansixiyeen magacaabistaasi bishan March 1-dii.

Si ksataba ha ahaatee, RW Kheyre ayaa looga fadhiyaa inuu so omagacaabo Xukuumad Tito Yar, balse Tayo leh, si ay ula jaan-qaadaan Xaalladaha Cakiran ee Siyaasadda, isla markaana wax uga qabtaan Macluusha iyo Abaaraha Daran ee dalka ka jira, oo ay maalin kasta Muwaadiniin Soomaali ah u geeriyoodaan.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media