Xog laga helay nin loo heysto weerar Dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Canada

Guddiga Canada u qaabilsan sii deynta maxaabiista ayaa dib u eegis ku samayn doona go’aan xabsiga looga sii daayay mid kamid ah ragga la tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen weerarkii toorida loo adeegsaday ee ka dhacay gobolka Saskatchewan.

Warqadaha lagu sii daayay Myles Sanderson oo 32 jir ah ayaa muujinaya in horay uu u galay dembiyo, isla markaana 59 jeer ay maxkamado ku heleen dacwooyin loo jeediyay.

Waxaa xabsiga laga sii daayay bishii February isagoo gudanayay xukun afar sano ah.

“Waxaan rabaa inaan ogaado sababaha lagu saleeyay go’aanka lagu sii daayay ninkaas. Aad baan uga walaacsanahay waxa halkan ka dhacay,” ayuu yiri wasiirka badqabka dadweynaha Marco Mendicino.

Weerarka toorida loo adeegsaday oo dhacay Axadii ayaa waxaa ku dhintay 10 qof, halka 18 kale ay ku dhaawacmeen. Laamaha ammaanka ayaa ku raad-jooga Myles Sanderson. Qaar kamid ah ehelada dadka la laayay oo warbaahinta la hadlay Arbacadii ayaa sheegay inay aad uga naxeen weerarkaas gilgilay shacabka Canada.

Maalmo kadib weerarkaas toorayda loo adeegsaday, shacabka Canada ayaa is weydiinaya su’aalo dhowr ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor