Muuqaalka magaalladda Muqdisho ayaa caawa ah mid ka duwan Habeenadda kale, waxaa la dareemi karaa Bandow iyo in la xadiday Isku-socodkii dadka iyo dadweynaha.
Laakiinse, Dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed iyo Mashquul badan ayaa laga dareemayaa inta badan Hoteelladda iyo Guryaha ay Murashixiinta Madaxweynaha deggan yihiin.
Murashaxiinta waxay kulamo la leeyihiin Xildhibaanadda BFS, oo lagu lafa gurayo Arrimaha Cod-bixinta Doorashadda iyo in wax kasta la fududeeyo.
Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Radio Dalsan inay Kulamadda ugu shidan caawa ka socdaan Hotel Jazeera, Uganda House, Peace 2 iyo Xaafadaha ay deggan yihiin Murashixiinta Madaxweyne ee kala ah Sheekh Shariif, Cumar C/rashiid, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Murashixiinta waxay galaangal xooggan ugu jiraan inay Xildhibaanadda is-fahmaan, kuna balamaan Cod-bixintooda iyo Adeegyadda kale ee dufanaysan.
Baaritaanka Radio Dalsan ee caawa, waxaa lagu soo ogaaday inay jiraan warar sheegayo inay bilaabantay Cod-iibsiga, iyadoo uu halkii cod gaaray kharaj u dhexeeya 40,000 ilaa 50,000 oo Dollar.
Qaar ka mid ah xubnaha u ololeeya Murashixiinta ayaa laga soo xigtay in hawsha caawa lagu kala baxayo iyo in Xildhibaan kasta lagu qancinayo Xodxodashada iyo in Is-fahamka la kala tuuranayo.
Si kastaba ha ahaatee, Murashixiinta Madaxweynaha waxay caawa ka wada siman yihiin galaangalkii ugu dambeeyey ee ay ugu jiraan inay ku xisaabtamaan Tirada Xildhibaanada lagu tashanayo codadkooda.
Waxaana is-gurayo xilliga, iyadoo ay dhowr saacadood ka harsan tahay xilliga loo codeyn doono Madaxweynaha cusub ee JFS.
©Radio Dalsan