Xog Cusub Shabakadii lagu qabtay Garoonka Aadan-Cadde & Xildhibaan ku lug yeeshay

Warka soo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Garoonka Muqdisho lagu qabtay Shabakad ka shaqaysa fal-danbiyeedka lacag dhiqida iyo samaynta Dollar been abuur ah.

Qoraal la soo dhigay Barta twitter Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in laba ruux falkaas loo qabtay,isla markaana raggaasi uu u sahlayay gudbinta Garoonka Mudane ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Hay’addu ma shaacin Magaca Xildhibaanka balse waxa ay sheegtay in loo gudbiyay hay’adaha sharciga ee ku shaqada leh.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor