Ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay inay Axaddii maanta weerar ku qaadeen saldhig millatari oo ku yaalla gudaha Israel, iyagoo isticmaalay tiro gantaallo ah. Weerarkan ayaa yimid maalin kaddib markii Israel ay duqeyn cirka ah ku garaacday caasimadda Lubnaan, Beyruut, taas oo keentay dhimashada ugu yaraan 37 qof, oo uu ka mid ahaa Ibrahim Caqiil, taliye sare oo ka tirsan garabka militari ee Xizbullah.
Xizbullah waxay sheegtay inay ku garaaceen Israel gantaallo cusub oo ay markii ugu horreysay adeegsadeen, kuwaas oo loo yaqaano Fadi 1 iyo Fadi 2. Saldhiga ay weerareen ayaa lagu sheegay inuu yahay saldhiga ciidamada cirka ee Ramat David, oo ku yaalla koonfur-bari magaalada Xeyfa. Inkastoo Xizbullah ay sheegtay weerarka, haddana lama hubin in gantaalladu ay gaareen bartilmaameedkooda saxda ah. Waaxda gargaarka degdegga ah ee Israel ayaa xaqiijisay dhaawaca hal nin oo ku sugnaa tuulo ku dhaw goobta la weeraray.Dhanka kale, warbaahinta gudaha Israel ayaa ku warramay in hubka lidka gantaallada ee ku yaalla meel u dhow magaalada Xayfa ay ka hortageen oo burburiyeen qaar ka mid ah gantaalladii laga soo tuuray Lubnaan.
Weeraradan is-daba-joogga ah ayaa ka dhacay iyadoo Xizbullah ay sidoo kale isticmaashay aalado isgaarsiineed oo qaraxyo lagu adeegsaday, kuwaas oo ay dibadda kasoo iibsadeen. Qaraxyadaas ka dhacay Lubnaan ayaa sababay dhimashada 39 qof iyo dhaawaca 3,000 oo kale.
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Najib Mikati, ayaa ku dhawaaqay inuu joojiyay safar uu ku tagi lahaa magaalada New York, halkaas oo uu kaga qeyb gali lahaa shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, si uu ula tacaalo xaaladda degdegga ah ee dalkiisa ka jirta. Weerarkan ayaa sare u qaaday xiisadda ka dhex taagan Israel iyo Xizbullah, iyadoo labada dhinac ay ku hanjabeen tallaabooyin dheeri ah.