Xisbiyada Siyaasada Dalka Oo Ka Hadlay Faragalinta Lagu Haayo Doorashooyinka.

Isbahaysiga Xisbiyada Siyaasada Dalka ayaa Maanta kulan ay ku Yeesheen Magaalada Muqdisho Kaga Hadlay Faragalinta Dowladaha Shisheeye ay ku Hayaan Doorashada Dalka oo La Filayo inay Dhacdo Arbacada Soosocota .

Waxaa ay Dhaleeceeyeen Xisbiyadu Dowladaha Dariska Kuna Eedeeyeen Faragalin Cad oo ay sheegen Inay ku hayaan Arimaha Socda ee Doorashooyinka.

Cali Maxamed Nuux Tima Jilac Gudoomiyaha Isbahaysiga Axsaabta Siyaasadeed ee Dalka oo Madasha ka Hadlay waxaa uu shegay in Soomaaliya Lagu Hayo Faragalin oo ay ka Danbeeyaan Dowladaha Kenya iyo Ethopia.

Waxaa uu ka Codsaday Barlaamnka Labada Aqal ee Codeynaya inay ka Fiirsadaan Cidda ay Udooranayan Hogaaminta Dalka oo aysan Codkooda Siin Musharax Lawato.

Ex Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil oo ka Hadlay Kulanka Waxaa uu Dhankiisa shegay in Dalku Ubaahanyahay Badbaado waxana uu ayaan Daro ku Tilmaamay Faragalinta Dowladaha Shisheeye.

Dhamaan ka qeyb Galayasha Kulanka aya Codkooda ku Biiriyey Diidmada Faragalintaasi waxaana ay ugu  Baaqeen Baarlamaanka In Dalku Udooran Hogaamiye Badbaadin kara Dadka iyo Dalka.

Gabagabada Madasha waxa Ay  Madaxda Xisbiyadu Soo Sareen War Saxafadeed Dhowr Qodob ah oo ay Ka Hadleen Faragalinta Dowladaha Shisheeyaha ay ku Hayaan Doorashada.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media