Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa waxaa uu soo dhaweeyay liiska xubnaha cusub ee Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ee xalay ku dhawaaqeen Guddiga Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland.
Xisbiga Himilo qaran ayaa bogaadiyay shaqada ay qabteen Guddiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland,waxaana uu ugu baaqay in doorashada Guddoonka Baarlamanka iyo Madaxweynaha loo qabto si hufan oo nabad gelyo ah.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu baaqay haddii aysan waxba ku soo kordhin karin habsami u socodka doorashooyinka ka socda Jubbaland in aysan carqaladayn, kana fogaato wax kasta oo shacabka reer Jubaland u
horseedi kara dhibaato iyo burbur.
Hoos ka Akhriso Warka ka soo baxay Xisbiga Himilo Qaran.
Xisbigu wuxuu sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqayaa haddii aysan waxba ku soo kordhin karin habsami u socodka doorashooyinka ka socda Jubbaland in aysan carqaladayn, kana fogaato wax kasta oo shacabka reer Jubaland u horseedi kara dhibaato iyo burbur, iyadoo laga fakarayo dano gaar ah oo aan u adeegayn bulshada ku dhaqan Jubbaland iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.
Ugu danbeyn Xisbiga Himilo Qaran wuxuu shacabka iyo mas’uuliyiinta Jubbaland ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan Xasilloonida iyo amniga Jubbaland, meelna uga soo wada jeestaan wax kasta oo bulshada reer Jubbaland u horseedi kara dhibaato iyo dhiig la daadiyo.