Xisbiga C/raxmaan C/Shakuur oo War kasoo saaray Doorashada Hirshabeelle

Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadla hawlaha maamul dhisida dowlad Goboleedka Galmudug oo haatan ay scdaan qorshaha Doorashada Maamulka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Wadajir ayaa waxaa marka hore lagu sheegay in Xisbiga uu walaac xoogan ka muujinayo hanaanka maamul dhisida Hirshabeelle, uuna Maamulkaas yahay mid markii hore ragaadiyeen khilaafyo.

Xisbiga ayaa ku baaqay in dib u heshiisiin laga hormariyo maamul dhisida, si siman beelaha iyo saamilayda siyaasadeed uga qaybgalaan dhismaha maamulka Hirshabelle, isla markaana aan lagu deg-degin dhismaha Maamulka.

Sidoo kale Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa ka digay in maamul dhisida Hirshabelle loo adeegsano danno siyaasadeed, wuxuuna ku baaqay in laga fogaad wax kasta oo keeni kara dib u dhac.

Qoraalka kasoo baxay Xisbiga Wadajir ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo Madaxweeyne Maxamed Cabdi Waare uu ka hor yimid Jadwalkii soo xulista Baarlamaanka ee Hirshabeelle oo shalay ay soo saareen Guddiga farsamada uu isaga Magacaabay.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Xisbiga C/raxmaan C/Shakuur.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media